Saaxiibka dhabta ah

 Saaxiibka dhabta ah❤️


Nin dhallinyaro ah oo hooyadiis xanuunsanayd ayaa saaxiibkiisa wacay,  Wuxuu ku yiri:

"Saaxiibkayow, hooyaday way xanuunsan tahay, mana haysto lacag aan daawo ugu iibiyo!"

Saaxiibkii wuxuu ugu jawaabay: "Galabta ila  soo xiriir!"


 Galabtii ayuu soo wacay, balse telefoonka  saaxiibkiis wuu dansanaa! Marar badan ayuu isku dayay, laakiin wax jawaab ah ma helin, wuxuu bilaabay inuu dadkale ka raadsado lacag amaah ah si uu daawada ugu iibiyo, laakiin cidna ma helin.


Wuxuu dareemay in adduunyadu cidlo ka noqotay, cirkana uu ku soo dumay. Murugo ayuu dareemay waayo hooyadiis baa xanuunsan, midda kasii daranina waxay ahayd inuu saaxiibkiis uusan jawaab ka helin, ugu dambeynna isagoo quus jooga ayuu gurigii ku laabtay.


Markii uu guriga yimid, hooyadiis oo hurudda ayuu arkay, wejigeeduna waxaa  ka muuqatay nasasho. Agteeda ayuu ku arkay kiish ay daawo ku jirto! Wuxuu aaday walaashiis oo wuxuu weydiiyay cidda keentay daawada.


Waxay ugu jawaabtay: "Saaxiibkaa ayaa yimid, waraaqdii dhakhtarka ayuu qaatay, daawadiina wuu soo iibiyey, kadibna wuu iska tagay."


Wuu qoslay, isagoo ilmadu indhihiisa ka buuxisay. Si degdeg ah ayuu bannaanka u baxay, wuxuuna raadiyay saaxiibkiis ilaa uu helay.


Wuxuu ku yiri: "Saaxiibkayow, galabta ayaan kusoo wacay, laakin telefoonkaaga wuu xidhnaa!"


Saaxiibkiisa wuxuu ugu jawaabay:

"Telefoonkeygii baan iibiyey, si aan daawada ugu soo iibiyo hooyo!"


Saaxiibtinimadu maaha number-da  telefoonkaaga ku jira  Saaxiib dhabta ah waa qof garab kuu noqda marka aad u baahan tahay!"


Ilaahayow, nagu mannayso saaxiib daacad ah iyo saaxiibtinimo dhab ah!


Comments

Popular posts from this blog

Dardaarankii Ugu Cajiibsanaa ee uu qoro qof marxuum ah

Riyada adoo shaaeibkaaaa..........